Asal ahaan haasaawaha waa qeyb ka mid
ah nolosha aadamiga, mana ahan mid hada bilaabanaya ee waa wax
soo jireen ku ah dhaqanka soomaalida, sidaas daraadeed ayaa
jiilba jiil ka dhaxlaa si loo sii wado oo loo dar dar galiyo.
Sida
la ogyahay wada socoshada waa mid ku leh door lama ilaabaan ah bulsho
kastoo jirta, waana mida kaliya ee usuurto galineesa in ee isku bartaan
labada qof ee wada socda, si uu u ogaado midba midka kale
dabeecadiisa, waxa uu necbanyahay, waxa uu jecelyahay iyo caqligiisa
heerka uu gaarsiisan yahay.
Haddaba sidee buu ku bilaaban jiray
haasaawaha dhalintii hore iyo kuwa maanta jira ee
soomaaliyeed
Dhalintii hore shukaansigooda ayaa ku bilaaban
jiray siyaabaha kala duwan ee soo socota:
1. Daaqsiga
xoolaha: waa marki ladaaqsin geenayo ariga iyo lo'da markaas ayee
sheekeesan jireen
2. Dhaanka oo ahaa midka ugu fursada badan ee ku
kulmi jireen, maxaa yeelay waxa loo dhaan tagi jiray meelo aad u fog
fog oo mararka qaarkii loo socon jiray 1 maalin ilaa 2 maalin, inta
lasii socdana lawada sheekeesan jiray, marki lasoo labanayana lasoo
wada haasaawi jiray,sidaa daraadeed ayaa waxa aheyd maah
maah soomaaliyeed ( nin aan kuu furi doonin yuusan kuu
rarin ) oo micnaheedu yahay, ninka hadda kuu raray
ratiga hadduusan kuu fureen waxba ha isku daalin gabar
yahay haasaawahiisa.
3. Shubitaanka xoolaha ee ku kulmi jireen
ceelasha biyaha
4. Cayaaraha hidaha iyo dhaqanka, taasna
iyadana waxay aheed mid muhiimadeeda leh ee isku bartaan Barbaar aad
u fara badan oo ka yimid Tuulooyinka isku dhaw dhaw, ciyaarta kadib
ayaa wiil kasta sagootin jiray gabadha uu laciyaarayay, marki uu
geeyana aqalkeeda uu la balami jiray.
5. Aqalka ee gabari ku
nooshahay aalaaba ragga ayaa sahmin jiray si ee ula
haasaawaan
inkastoo aan soo qaatay meelaha ugu muhiimsan uu
ka curan jiray wada socoshada dhalintii hore haasaawahooda, kuwa
maanta jirana shukaansigooda waxa uu ka biloowdaa meelo ka duwan
kuwii hore waana sida soo socota;
1. Aroosyada.
2. Internet
cafe yada.
3. Iskuulada.
4. Busteejada baabuurta.
5.
Safarada gaar ahan kuwa ee isla galaan dhalinyarada.
6. Suuqyada
laga dukaameesto.
7. Casuumadaha.
8. Showyada la
qabto.
9. Hoteelada ama Diskoowyada.
10. Xafladaha soodhaweenta
iyo kuwa sagootinta.
Waxaa aad u kala duwan meelaha uu ka bilaaban
jiray dhalintii hore iyo kuwa maanta haasaawahooda , taas
ee ugu wacan tahay dunida oo maanta iska badashay sidii hore ee
aheed, kuna soo kordhay adduunka wax yaalo badan oo casri ah oo
fududeenaya wada hadalka uu ubaahan yahay shukaansiga.
Meelahaan
aadka u badan aan soo sheegay ee isku bartaan dhalinyarada ayaa waxa
ee isku siiyaan Teleefoonada iyo E-mail adress yada si ee iksula
sheekeestaan barashada kadib sheekada halkaa kuma sii ekaato ee
mid waliba waxa uu ku sameeyaa soo jidasho midka kale sidii uu u
hanan lahaa qalbiga qofka uu bartay.
Hadaba intaasi ayaan kusoo
afmeerayaa maqaalkayga, magafe waa Alle gafana waa Insaan, wixii talo
iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ah
[email protected]
Fursad gaar u ah aqristayaasha www.silgor.com
Aqriste haddii aad jeceshahay in aad ka qayb qaadatid wax ku
qorista websaytkani, fursadani dahabiga ah ka faa'ideyso ee noosoo
qor waxa kaa dhex guuxayo oo wanaag ah annagaa kaa gaarsiin doono.
Qoralkaaguna noogu soo
haggaaji cinwaankeena ah:
[email protected]